Sida loogu noolyahay Swiiska: Wararka iyo talooyinka loogu tebinayo e-mailka  

Xeerka Magangalyada

Xeerka suwiska ee magangalyada ayaa siyaabo kala duwan ugu ogolaada magangalyo dadka waydiista, kadib marka arjiyadooda aydarsaan hay’adaha dawladda dhexe ee uxilsaarani ; wuxuu u ogolaadaa xeerku : magangalyo ah qaxooti. Magangalyo ah kumeel gaadh amba meelku gaadh iyo dib ucelinta dadkaasi markay suuragal noqoto.

Art.3 : qodobka lambar saddex ayaa caddeynayamacnaha weedha Qaxooti.

1)    Qaxooti waxa noqonaya dadka amba shakhsiyada dhibaato kasoo gaadho, amba ka cabsi qaba inay dhibaato kasoo gaadho dawladda waddanka asal aykasoo jeedaan amba dawladda waddankii ugu dambayn aydaganaayeen.
Dhibaatada soogaadhay amba ayka baqayaan oo la xiriirta arrimaha hoos kuqoran midkood.
Midabkooga, diintooda, Waddaniyadooda, Urur amba Xisbi ayka midyihiin (ayku jiraan) iyo mabda’a ay ayidsanyihiin (ay raacsan yihiin) bolatiiga.
 
2)    waxa loo aqoonsanyahay dhibaato halis ah (khatar ah) qoraalkan hoos ku qoran.
Khatar amba halis la galiyo nafta amba nolosha dad amba shakhsiyaad.
Dhib jidhkooda la gaadhsiiyo
Xorriyadooda oo dadkaa dhibaato loo gaysto
Cadaadis maskaxiyan ah oo lagu hayo dadkaas.
Waxa kale oo la aqoonsanyahay xaalado gaar udhiba dumarka, sababna unoqda inay baxsadaan amba magangalyo raadsadaan.
(turjumaad aan rasmi ahayn)
 
Xeerka suwiska ee magangalyadu wuxu macneynayaa qofka loo aqoonsanayo qaxooti sifooyinka awleeyahay; sifooyinka lagu aqoonsanayo qaxootiga waxaa gundhig u ah xeerka caalamiga ah ee dunidu ogolaatay sannaddii 1951. Waxa lagu magacaabaa heshiiska caalamiga Genève ee qaxootiga, waxaa saxeexay suwiska iyo 144 dawladood oo kale.
 
Sharciyada iyo xeerarka daryeelka carruurta.(droits de l’enfant)
Waxa kale oo suwisku saxeexay heshiiska daryeelka carruurta. Xeerka carruurta waxaa lagu xakumaa carruurta da’doodu kayartahay siddeed iyo toban sano.ee suwiska waydiista magangalyada. Carruurtaasi oo aanay lasocon waalidiintoodu, eheladooda amba cid ka masuul ah oo suwiska ujoogta aanay jirin.
 
Intay dib uhabaynta kusameeyeen dawladaha yurub, sharciyada iyo xeerarka magangalyo, waxaa aad iyo aad ugu adkaatay dadka qaxootiga ah iney magangalyo waydiistaan waddan yurub kamid ah.
 

Related links: