Sida loogu noolyahay Swiiska: Wararka iyo talooyinka loogu tebinayo e-mailka  

Is aroosidda amma is guursiga

Dadka magangalya doonka ah iyo  kuwa qaxootiga loo aqoonsadey way isku aroosi karaan suwiska dhexdiisa wayna isku furi karaan. Guurka  iyo furidaba waxa loo cuskanyaa qaanuunka rayidkasuwiska uyaala (code civil). Si laguu siiyo ruqsadda adku arooska amma guurka waxa kale oo la eegayaa inaad buuxisay iyo inaanad buuxin shuruudaha  lag rabo dadka ajnebiga ah ee kuqoran qaanuunka dadka ajnebiga ah uyaala. Waxa ka iman kara furidda amma furitaanka isbeddel kusaabsan xeerka amma qaanuunka uyaalla ajaanibka (xaqa ajnebiga). Faahfaahin iyo sharraxaad kusaabsan xaalkani, fadlan karaadi cutubka “aroosidda  iyo wada noolaanta

Qaanuunka amma xeerka cusub ee ajaanibka dhaqangalkiisa kadib waxa si taxadir leh looga fiirsadaa amma si qoto dheer loo baadhaa waqtigan xaadirka ah codsi amma dalab kasta oo kusaabsan guurka shakhsi magangalya doon ah iyoshakhsi ah suwis, midowga yurub amma ajnebi haysta sharciga degganaanta rasmiga ah ee looyaqaannobermi  C  ( permis C ) haddaba xafiiska dawladda ugu xilsaaran arrimaha rayidka ee la yiraahdo ( Etat civil ) waxay jawaabtu kuqaadan kartaa muddo dhawr bilood gaadheysa.

Kafoojignaw
Xafiiska uxilsaaran arrimaha guurka, hadduu kashikiyo guurka laftiisa,  sida aroos loo samaynayo  si  shakhsi  aw uhelo sharci  oo kaliya, maamulka xafiisku waydiidi karaan oo jawaab diidmo ah ayey siin karaan ruuxii waydiistey, inta bandanna go’aankadiidmada ah ayey goostaan.

Inta madaxdu aaney  fasixin is aroosidda, miscnaha , aaney cayimin taariikhda meherku  dhici doono,shakhsiga magangalya doonka ahee rabey inuu guursado, waxa dhici kara inmarkasta waddanka laga bixin karo( laga celin karo)

Is aroosidda kahor, caadi ahaan lama ogola inaad beddeshid gobolkaaga (kaantoonkaaga) is aroosidda kaddib xafiiska federaalka ee soogaleytigu (OFM) wuxu ku dhaqaaqaa siduu ugu qori lahaaamma ugu beddeli lahaa labada shakhsi ee is aroosay midkood kaantoonka  midka kale.

Xafiisyada uxilsaaran badhkood (etat civil ) waxay kaqaadaan shakhsiyada ajnebiga ah basaaboorradooda, si ay ugu gudbiyaan xafiiska soogaleytiga ee OFM.

In this section: Shaqada, hoydajinta, Sharciga joogitaanka, isku keenista qoysaska, guurka, dugsiga iyo waxbarashada, caafimaadka

Related links: