Sida loogu noolyahay Swiiska: Wararka iyo talooyinka loogu tebinayo e-mailka  

Sharciga joogitaanka

Dadka ajaanibka ah ee suwiska ugu nool si xalaal ah (si la ogolyahay), waxa la siiyaa sharciyo loogu talogalay ummadda ajnabiga ah. Shakhsi kasta sababta aw ugu noolyahay suwiska waxa lagu qoraa (lagu sharraxaa) sharciga lasiiyo ee awku dagganyahay suwiska:

Dadka magangalyo doonka ah waxa lasiiyaa sharciga layidhaahdo N(permis N) oo ayku joogaan suwiska inta ay socoto hawsha lagu darsayo arjiyadooda ee go’aanka lagaga gaadhayo.
Marka go’aan laga gaadho waxa luma qiimihii dalkujooga ee sharciga entu (permis N) lahaa xitaa haddaanu dhicin waqtigiisu. Waxakale oo jira mamnuucis shaqo oo waqtigeedu gaadhayo saddex ilaa lix bilood. Xaqna uma leh shakhsiga sharcigaa haysta iskukeenista caa’ilada kalamaqan (qoysaska).
Sharciga layidhaahdo B (permis B) wuxu kuxidhan yahay cahdi shaqo amba cahdi meher oo dhexmara shakhsi suwis ah iyo shakhsi ajnabi ah. Sannad kasta waa inay cusbooneysiiso dawladda kaantoonku (dawladda hoose). Waxa dhicikarta inla diido cusbooneysiinta ; tusaale : hadduu bilaa camal noqdo shakhsigii lahaa sharciga oo shaqadii ka dhamaato.
Iskukeenista qoysaska(caa’ilada)kalamaqan waxay suurowdaa oo kaliya hadduu haysto shakhsigu dhaqaale iyo hoy (guri, aqal) kufilan dadka awrabo in lookeeno.
Dadka loo aqoonsado qaxooti waxa la siiyaa sharciga la yidhaahdo B (permis B) waa in la cusbooneysiiyo sannad kasta, laakiin cusbooneysiinta laguma xidho shuruudaha kor anku soo aragnay; shaqada, gargaarka nolosha iyo dhexgalka ama la qabsashada waddanka waxa lagu fuliyaa mawduucyo khaas u ah dadka loo aqoonsado qaxooti.
Caa’ilooyinka (qoysaska) sida carruurta, waalidka iyo xaasaska kalamaqan xaqbay uleeyihiin in la iskukeeno ; waxakale oo lasiiyaa sharciga lagusafro ee qaxootiga ( basaaboorka qaxootiga)  wuxuna waafaqsanyahay shuruudaha caalamiga ah loona yaqaanno heshiiskii qaxootiga ee jenef (convention de Genéve)
Shakhsiyada loo aqoonsado qaxooti intay haystaan sharciga sannadlaha ah ee B (permis B), haddey kunoqdaan waddankoodii waxa kaluma aqoonsigii qaxootinimo iyo sharcigii joogitaanka suwiska oo waa lagala noqdaa.
Shakhsiyada ajnabiga ah, sannado badanna jooga suwiska iyaka oo muddadasi haystey sharciga B (permis B) waxay helaan oo sharcigii ay haysteen loogu bedelaa sharciga C la yidhahdo (permis Cahd), waqtiga suwiska ayjoogi karanna dhammaad maleh ; dadkaasi waxay xaq u leeyihiin sharciyadooda oo loocusbooneysiiyo, caa’ilooyinka (qoysaska) kalamaqan oo la iskukeeno.
Aragtida xeerarka shaqooyinka : dadka ajnabiga ah ee haysta sharciga C (permis C) qaybo aad uballaadhan ayey iskaga mid yihiin dadka suwiska ah.
Shakhsiyada loo aqoonsado qaxooti waxay helaan sharciga loogu talo galay ajaanibka ee bermi C (permis C) shan sannadood kadib waqtigii ay soo galeen suwiska.
Dadka ama shakhsiyada loo ogolaado magangalyo kumeel gaadh ah, waddannadoodiina lagu celin kareynin sababo kaladuwan daraadood, waxay helaan sharci la yidhaahdo bermi f (permis F)
Sharcigaasi waqtigiisu waa laba iyo toban bilood (sannad) ,kadibna waqtigiisu wuu dhacaa, waana la cusbooneysiin karaa sannad kasta.
Dadka kujooga suwiska magangalyada kumeel gaadhka ah, dawladaha hoose(kaantoonnada) ayaa leh awooda lagusiiyo rukhsadaha lagu shaqeeyo
Dadka haysta sharciga F, saddex sannadood kadib,haddey sharuudaha laga rabo buuxiyaan, waxay xaq uyeeshaan iskukeenista qoysaska iyo ehelada kala maqan
Dadka sharciga F (permis f) haysta markay dagganaadaan suwiska uguyaraan shan sannadood waxay waydiisan karaan dawladda caantoonka, sharciga efta F  (permis F) inloogu bedelo sharciga beda  B(permis B)
mawduucan waxa kujira 

In this section: Shaqada, hoydajinta, Sharciga joogitaanka, isku keenista qoysaska, guurka, dugsiga iyo waxbarashada, caafimaadka

Related links: