Sida loogu noolyahay Swiiska: Wararka iyo talooyinka loogu tebinayo e-mailka  

Caawinta iyo waanada xeer yaqaannada

Hay’adaha caawimaadda sida kaniisadaha iyo ururada waddaniyiinta ee udhaqdhaqaaqa dadka ajnabiga amba laajiyiinta ah waxay islashaqeeyaan ururada kale ee caawimaadda oo hoostaga hay’adda suwiska ee caawisa qaxootiga loonayaqaanno OSAR ; waxay leeyihiin hay’adahaasi soddomeeye xeeryaqaan oo joogto ah loona diyaariyey dadka magangalyadoonka.

Shaqadaay qabtaanna waasidan :
  • daraasad aykusameeyaan natiijooyinka kasoo bixidoona arjiyada amba codsiyada
  • waanooyin kusaabsan natiijooyinka
  • inay caawiyaan shakhsigii dhibaato haysato
  • haddii shakhsi ayku adkaato arrimihiisa kusaabsan amba laxiriira xafiisyada dawladda iyo hay’adaha sare, in ay caawiyaan si xaaladda loogu sahlo amba loogu fududeeyo.
  • xeeryaqaan inuu joogo amba xaadir noqdo marka laga qorayo shakhsiga magangalya doonka ah arjigiisa.
Hay’adahaasi intooda badani shaqadoodu waa bilaash amba way kutabarucaan.
Inuu xeeryaqaan (avocat) difaaco shakhsi magangalya doona, waxay imankartaa oo kaliya haddey xaaladdu kadhigto ookaliya lagama maarmaan.

Waxa ballan lagaga qaadan karaa xeeryaqaan laynka telefonka.

Related links: