Sida loogu noolyahay Swiiska: Wararka iyo talooyinka loogu tebinayo e-mailka  

Waxbarashada Farsamada

Tababarada farsamaddu waxay dhalinyarada u horseedeysaa u na fureysaa xarumaha shaqooyinka kala duwan, waxay na xaqiijineysaa in loo soo saaro wadanka shaqaale aqoon leh oo bedela kuwa hawlgabay. Barashada farsamadu iyo xirfadaha kala duwani waxay si buuxda uga mid tahay nidaamka waxabarasho ee u degsan wadanka, waxa na loogu talo galay in ay ka haqabtirto wadanka shaqaale farsamoyaqaan ah oo xirfado kala duwan leh.
Wadankan Swiiska, dhalinyarada sadex meelood meel ayaa gala dugsiyada farsamada oo ay ku baranayaan xirfado kala duwan.


Fiiro gaar ah

Haddii aad tahay farsamoyaqaan waayo arag ah, aadanse laheyn shahaado cadeyneysa aqoontaada xirfadeed, qodobka 17 naad ee sharciga waxbarasho ee Federaalka u degsan, oo ku saabsan waxbarashada farsamada , wuxu ku siinayaa fursan qaali ah oo aad ku raacdid tababar khaas oo kuu sahlaya in aad kasbatid shahaado farsamadeed oo caddeynaya heerka aqoontaada. Haddii aad tahay farsamoyaqaan muddo dheer soo shaqeyay, oo yaqaan xirfado kala duwan, ka faa’ideyso fursadan muhimka ah ee uu qodobka 17 naad kuu soo bandhigayo si aad u kasbatid shahaado ka tarjumeysa aqoontaada. Sahaadada aad ka qaadatid dugsiyada farsamadaha waxay kuu fureysaa albaabo badan, waxay na kaa dhigeysaa xirfadyaqaan loo baahanyahay.

In this section: themen/bildung/berufsbildung/berufsmatur, Tababarada , Ujiheynta dugsiyada caadiga ah iyo farsamooyinka, Udiyaarinta ardeyda farsamadaha, themen/bildung/berufsbildung/hoehere-berufsbildung

Related links: