Sida loogu noolyahay Swiiska: Wararka iyo talooyinka loogu tebinayo e-mailka  

Dugsiyada heerka khasabka ah

Caruurtu waxay galaan oo bilaabaan dugsiyada khasabka ah marka dedoodu gaarto 6 jir. Waxabarashada dugsiyada khasabka ahi waxay soconeysaa oo uu ardeygu ku jirayaa 9 sano.Waxay u kala qaybsantaa laba heer oo kala ah heerka dugsiga hoose iyo heerka dugsiga dhexe-sare.


Dhamaan caruurta degan Swiiska waa in ay galaan waxbarashada 9 sano ee dugsiyada khasabka ah. Waxabarashada dugsiga khasabka ahi waa lacag la’aan, cunug kasta oo gaaray 6 jir na waa u furantahay. Maamulka degmooyinka, magaalooyinka iyo xaafaduhu waxay iska xilsaarayaan in cunug kastaa fursad u helo in uu gala dugsiyada khasabka ah ee ka jira degaankooda.

Fiiro gaar ah

Caruurta ay dhaleen waalid aan haysan waraaqaha sharciga dal ku jooga, waxay xaq u leeyihiin waxabarasho, saas darteed, waa geli karaan dugsiyada khasabka ah.
Horumarka uu ardeygu ka gaaray waxabarashada  oo lagu qiimeyo aqoontiisa, waxaa lagu qiyaasaa deraja uu ka keeno imtixaanka ama tijaabooyinka yar yar (note de performances) ee laga qaado. Waxa laga soo qoray ardeyga iyo derajada uu keenay waa in ay qanciyaan macalimiinta.


Derejooyinka

Derejooyinka lagu bixiyo imtixaanka waxa ugu sareysa 6 (6 = tan ugu sareysa), 4 = waa kafaayo oo waa gudbi karaa, wixi ka hooseya 4 waa dhicid oo ma gudbayo ardeygu.
Waxayaalaha wanaagsan oo lagu qiimeyo ardeyga oo uu ku soo jiidan karo in macalimiintu u bogaan waxbarashadiisa waa sidatan:
i. add u wanaagsan,
ii. wanaagsan
iii. kafaaye, waa gudbikaraa.
Badanaa ba, ardeydu waxay helaan sanadkii laba jeer qoraal lagu cadeynayo derejooyinka ay heleen iyo heerka ay joogaan xaga derejada imtixaanka.
Waxa jira siyaabo kale oo lagu qiimeyo horumarka waxbarasho oo uu la yimi ardeygu, sida: shaqada guriga, shaqada maalin kasta fasalka gudahiisa lagu qabto, sida uu buugagiisa u hagaajiyo, dabeecaddiisa iyo sida uu ula dhaqmo bulshada uu la noolyahay (Evaluation et performance).
 Qiimeynta iyo horumarka uu ardeygu ka gaaroo waxbarashada sanad dugsiyeedka, waxay u hordeedeysaa in uu u gudbo fasal sare, ama in loo dalacsiiyo dugsi heer sare ah, sida dugsiga dhexe ilaa dugsiga sare.
Shir ay yeesheen kantoonada Romaanka ee looga  hadlo faransiiska, oo la qabtay sanadikii 2007 ee looga arinsanayay nidaamka waxbarasho ee goboladaas, waxa la isla meel dhigay in kantoonada ka tirsan CIIP ay yeeshaan nidaam mideysan ee u degsan qiimeynta waabarashada iyo imtixaanada.


Maqaanshaha ama baaqashada

Waxa dugsiyada ka jira shurudo iyo xeerar u degsan maqnaashaha ardeyda. Waxa ardeyga loo ogolyahay in uu ka maqnaado fasalka ama xisada, marka ay jiraan sababo ay ka midyihiin: xanuun ama jiro, shil ku dhacay, geeri ku timid qoyska ama qof ka mid ah ehelkiisa, balan uu la leeyahay takhtarka qoyska ama kan ilkaha, baaritaan caafimaad guud iwm.
Waalidka ayaa laga doonayaa in ay dugsiga keenaan cadeyn sababta uu ardeygu ku maqnaa. Waalidka waxa laga codsanayaa in ay qoraal ugu soo gudbiyaan macalinka ardeyga, haddii ay jiraan fasax hor loo sii qorsheyay oo ay doonayaan in ardeygu qaato, waa na in qoraalka lagu cadeyaa sababta iyo xiliyada fasaxa.
Haddii ay dhacado baaqasho si kedis ah ku timid oo aan laga sii fekerin ama aan qorshaha qoyska ku jirin, waa in waalidku si deg-deg ah ula soo xiriiraan dugsiga. Haddii maqnaashaha ardeygu sii daba dheeraado, waalidku waa in ay dugsiga keenaan warqad caafimaad.

Fiiro gaar ah
Haddii sababaha iyo cadeynta maqnaansha ardeygu ay qancin waayaan  maamulka dugsiga, waalidku waxay mudanayaan ama loo soo jeedinayaa  ganaax ama ciqaab.

Fiiro gaar ah
Waxa jira kantoono u ogolaada in uu ardeygu maqnaan karo 5 maalin gelinkood, usaga oo aan codsan ama aan sheegin sababta uu ku maqnaa. Wixi intaas dhaafsan ee aad u baahantahay in aad ka ogaato arinkan fasaxa, la xiriir macalinka caruurtaada.


Fasaxyada dugsiyada

Dugsiyada Swiisku waxay sanadkii ba qaataan 12 ilaa 13 usbuuc oo fasax dugsiyeed, waxay na kala yihiin : fasaxa dheer ee xagaaga, fasaxyada deyrta iyo guga, iyo, fasaxyada la qaato dhammaadka sandka. Xiliyada la qaato fasaxyada ma aha kuwo qo’an oo ay kantoonadu ama degmooyinku ka simanyihiin oo isku mar la qaato.


Fiiro gaar ah
Waalidka ardeyda waxa laga codsanayaa in ay ixtiraamaan xiliyada fasaxyada oo la socdsiiyaan caruurta marka fasaxu bilaamayo iyo marka uu dhamaanayo.  Maqnaasho iyo fasax kordhin dugsiyadu ma ogolaadaan, waxase la ogolaadaa marar dhif ah waxa na lagu xiraa waalidka shuruudo aad u adag oo lagu qanci karo.


Sida waalidku uga qaybgelayo shaqada dugsiyada

Qaanuunka iyo sharciyada dugsiyada Swiiska u degsan (code civil, CCS) wuxu ku adkeynayaa ugu na yeerayaa waalidiinta in ay la shaqeyaan dugsiyada, la na xiriiraan macalimiinta.
Sida waalidiintu uga  qaybqaadanayaan hawsha dugsiyada iyo horumarka waxbarashada wuxu ku xusanyahay  sharciyada u degsan dugsiyada kantoonada guud ahaan. Qodobo ka mid ah sharciga dugsiyada u degsan oo dowaan soo baxay waxay waalidiinta saarayaan xil weyn oo ku saabsan nolosha iyo horumarinta dugsiyada. Maamulda dugsiyada waaweyni waxay waalidiinta uga qaybgeliyaan dhaqdhaqaaq, talada iyo hawsha sidi ayagoo ka tirisan maamulka dugsiyada.
Waalidiinta ajnebiga ah oo ka tirsan xisbiyada siyaasadda,  ee ku nool degmooyin iyo magaalooyin badan, waxay fursan u leeyihiin in ay ka mid noqdaan guddiyada dugsiyada, oo ay ka qayb qaataan qorshaha iyo talooyinka dugsiyada kantoonada ay deganyihiin.

In this section: themen/bildung/obligatorische-schule/sonderpaedagogik, themen/bildung/obligatorische-schule/elternmitwirkung, themen/bildung/obligatorische-schule/sekundarschule, Fursadda waxbarasho ee loo fidiyo ardeyda ajnebiga ama qaxootiga ah , Dugsiyada Hoose

Related links: