Sida loogu noolyahay Swiiska: Wararka iyo talooyinka loogu tebinayo e-mailka  

Barashada luqadaha wadaniga ah ee Swiiska

Gobol kasta ee ka mid ah Swiiska waxa laga baxshaa duruus ku saabsan luqadaha. In kasta oo duruusta luqaduhu guud ahaan la wada bixiyo, hadda na habka iyo xiliyada loo bixiyo casharada waa kala duwanyihiin. Marka waxa lagugula talinayaa in aad marka hore qaadatid cashar tijaabo ah.

Waxa jira duruus loo yaqaan alifbarasho oo la barayo xarfaha laatiinka (alphabétisation) oo loogu talogalay dadka aan wax u bilowneyn oo aan wax na qorin wax na akhrin. Duruusta noocaas ah waxa ku deeqa:

  • A.I.D.A à St Galien
  • ECAP à Zurich, Bâle et dans d’autre villes
  • ISA à Berne
  • Haddii aad degantahay tuulo ka fog meelaha la soo sheegay la xiriir xafiiska u qaabilsan arimaha iskuxirka bulshada ee kantoonka ama degmada aad ka tirsantahay, si aad u ogaato meelaha laga bixiyo duruusta aad u baahantahay.

Badanaa ba duruusta noocaas ah waxa loogu talogalay dumarka, khaas ahaan hooyooyinka. Meelaha duruusta noocaas ah lagu bixiyo, waay leeyihiin meel lagu xanaaneyo caruurta inta hooyadu ku jirto casharka.
Duruusta ku saabsan isdhexgalka bulshada (cours d’intégration) oo loogu talo galay ma ah kuwo lagubarto luqada oo keli ah, ee waxa laga bixiyaa duruus ku saabsan dhaqanka iyo hab nololeedka bulshada Swiiska.
Jaamacadda Fribourg waxay bixisaa duruus degdeg ah oo loogu talo galay ardeyda isudiyaarineysa waxbarashada heerka jaamacadeed oo lagu bixiyo afafka fransiiska iyo jarmalka.
Duruus ku saabsan luqadaha swiiska jarmalka waxa bixiya dugsiga Club Migros.


Qiimaha duruusta

Dugsiyada gaarka ahi waa kuwo faa’ido doon ah, qiimaha duruusta na waxa loo xisaabaa ama loo dejiyaa si qiyaashan.
Waxabarashada loogu deeqo dadka ajnebiga ah, oo ay bixiyaan dugsiyada farsamada ama ay bixiyaan ururada bulshadu waa ka jabanyihiin kuwa dugsiyada gaarka ah, waayo badanaa ba dowlada ayaa kabta heyadahaas.
Badanaa ba duruusta ku saabsan barashada luqadaha waxa iska bixiya ardeyda awooda dhaqaale u leh.


Fiiro gaar ah
Haddii aad tahay shaqo la’aan, waxad xaq u leedahay in aad qaadatid duruus luqadaha ah, waxa na kaa bixinaya xafiiska laga maamulo dadka shaqo la’aanta ah, xataa haddii aadan ka qaadan gunada la siiyo qofka shaqo la’aanta ah. Waxa shardi ah in duruusta aad baraneysaa ay tahay mid fursan kuu siineysa kun a sahleysa in aad shaqo heshid. Badanaa ba duruusta aad qaadaneysid waa in ay ku sahashaa helitaanka shaqooyinka aad raadineysid. Wixi ku saabsan shaqo doonka iyo wixi kaa caawinaya, kala xiriir xafiiska shaqobixinta gobolka aad ku nooshahay (office regional de placement, ORP)


Deeqda kororsiga aqoonta ee uu bixiyo gobolkaagu

Wixi ku saabsan duruusta barashada luqadaha ee lagu deeqo, waxay ku soo aruuraan oo mideya heyadaha u xilsaaran isdhexgalka iyo iskuxirka bulshada ee hooa ku xusan.

Related links: