Sida loogu noolyahay Swiiska: Wararka iyo talooyinka loogu tebinayo e-mailka  

Minxada iyo deeqda waxbarasho

Nidaamka lagu bixiyo minxada iyo deeqda waxbarasho waxa loo maamulaa hab baahsan, waayo kantoon kasta wuxu leeyahay xeer iyo sharci u degsan oo u gaar ah. Shuruudaha ay kantoonadu ku bixiyaan deeqda waxabarasho waa kala duwanyihiin, oo kantoon ba kuwa kale waa ka duwanyahay. Waxa jira laba qaab ama hab oo lagu bixiyo minxada iyo deeqda waxbarasho: mid waa deeq aan lagaa dooneyn in aad soo guddo mustaqbilka (non remboursable); tan kale na waa mid deyn ah lagaa na doonayo in aad tartiib-tartiib u bixiso marka aad shaqo biloodid ama hanti yeelatid.


Nidaamka deeqda iyo minxada waxbarasho waa in ay kaalmo u noqoto ardeyda ku jirta ama bilaabeysa waxbarashada heerarka ka sareya tan khasabka ah (post-obligatoire). Deeqda waxabarasho waxay khuseysaa oo loogu talo galay ardeyda ku jirta heerka dugsiyada sare derejada II (tusaale : heerka Jimnaaska iyo dugsiyada farsamadaha) iyo herka derejada sadexaad (tusaale : heerka jaamacadeed iyo dugsiyada sar-sare ee takhasuska iyo xirfooyinka). Nidaamkan waxbarasho waa in uu noqdaa mid ardeyda u horseedaya in ay hantiyaan shahaado sare ee ay dowladda Federaalku ictiraafsantahay.

Fiiro gaar ah
Waxa marka hore xilku saaranyahay waalidiinta in ay ku garab istaagaan caruurtooda inta ay ku jiraan waxbarashada aasaasiga ah.
Arjiga lagu codsanayo deeqda waxabarasho waxa lagu hagaajinayaa xafiiska kantoonka u qaabilsan minxooyinka iyo deeqda waxbarasho.


Awoodda kantoonku u leeyahay in uu dad deeq u fidiyo,ayaase xaq ku leh:  

  • kan ay deganyihiin waalidka ardeyga codsanaya deeqda waxbarasho,
  • kan uu deganaa qof wadani ah oo qaangaar ahi muddo laba sano ugu yaraan, uu na ku haysto shaqo ama ganacsi, ka dib marka uu dhameysto waxabarashad khasabka ah, Hawsha laga qabto guriga qoyska waxay la mid tahay shaqo caadi ah,
  • Xafiisyada ama heyadaha kantoonka u qaabilsan deeqda waxbarasho ayaa dadka ku  wargeliya u na sharxa sida loo codsado deeqda waxbarasho.


Kaalmada waxabarasho ee loo fidiyo qaxootiga ama ajnebiga

Dadka ajnebiga ah ee sababta qur ah ee ay dalkooda uga yimaadeen ay tahay in ay wax ku bartaan Swiiska,  xaq u ma laha deeq waxabarasho.
Ardeyda jinsiyad ahaan ka tirsan wadamada ku bahoobay ururada ALEE iyo UE waxay uga faaideysan karaan deeqda waxbarasho ama minxo deyn ah si la mid ah tan loo fidiyo wadaniyiinta Swiiska. Waxa shardi ah in qofka minxada codsanayaa uu la noolyahay labadiisa waalid mid uun (hooyo ama aabe).
Dadka ka soo jeeda wadamada ururada ALEE iyo UE oo ka shaqeysta ama ka ganacsada Swiiska, caruurtoodu waxay xaq u leeyihiin minxo waxbarasho oo la siman tan loo fidiyo wadaniyiinta swiiska.
Si ay fursad ugu helaan deeq waxbarasho, dadka ajnebiyiinta  ah oo ka kala yimid dunida sadexaad,  waa in ay yihiin kuwo degenaa Swiiska dhowr sano, ama waa in ay leeyihiin sharciga degenaashaha C (permis C).
Xafiisyada iyo heyadaha kantoonada u qaabilsan deeqda waxabarasho waxay leeyin fursado iyo awood kale oo ay ku maalgeliyaan waxabarashada.Waxa jira heyado gaar ahaaneed iyo kuwo samafal oo taageero u fidiya ardeyda waxbarasho bilaabaya ama ay u socoto si ay uga gun gaaraan heerka ay doonayaan. Waxa kale oo jira degmooyin  iyo magaalooyin deeq wabarasho u fidiya ardeyda.


Minxo iyo deeq waxbarasho heer Jaamacadeed

Deeqda waxabarasho ay kantoonadu ku deeqaan ka sokow, ardeydu waxay fursad u helikaraan in ay ka codsadaan deeq sanduuqa maalgeliya cilmi baarista ee heerarka sare. Ardeydu waxay codsigooda toos ugu dirayaan jaamacadda ay wax ku bartaan ama ay doonayaanin ay is ku qoraan. Ardeyda ajaaniibta ah ee codsiga ka soo diraya wadankooda, waxay arjiga ku soo hagaajinayaan safaaradda Swiiska ee wadankooda ka jirta, ama waxay toos ugu soo hagaajitayaan wasaaradda waxabarashada iyo cilmi baarista Swiiska (SER).


Waxbarashada  farsamadaha iyo xirfadaha joogtada ah

Dowladdu waxay siyaabo kala duwan u taageertaa waxbarashada farsamadaha iyo tababarka joogtada ah ee dadka waaweyn loogu talogalay habka iyo shuruudaha loo bixinayo deeqda waa kala gedisanyihiin, waxay na ku xirantahay nidaamka kantoon kasta u degsan. Guud ahaan deeqda waxbarasho ee loo fidinayo dadka, waxay ku xirantahay aqoonta farsamo ee uu ardeygu leeyahay. Qastiga laga leeyahay nidaamkan waxbarasho waa in ardeyga fursad loo siiyo in uu higsado shahaado la ictiraafsanyahay oo ka tarjumeysa aqoontiisa farsamo ama xirfadeed.

Related links: