Sida loogu noolyahay Swiiska: Wararka iyo talooyinka loogu tebinayo e-mailka  

Dugsiyada heerka xadaanada iyo qastiga laga leeyahay

Wadanka Swiiska waxbarashada dugsiyada khasabka ahi waxay u furantahay cung kasta oo dediisu gaarto 6 ilaa 7 jir. Caruurtu waxay marka hore soo marayaan laba sano dugsi heer xadaano ah inta ayan u soo gudbin dugsiyada khasabka ah.

Caruurta kantoon kasta waxay aq u leeyihiin in ay galaan dugsiyada xadaanada oo soconaya hal ama laba sano.

Fiiro gaar ah

Qasdiga laga leeyahay dugsiyada xadaanada waa in caruurta la barbaariyo loo na diyaariyo dugsiyada caadiga ah, iyo in laga dhiso xar jireed iyo xag maskaxeed ba inta ay caruurtu gaarin 6 jir.

Sida la isugu qoro dugsuga xadaanada

Si aad cunugaaga ugu qortid ama ku dartid dugsiga xadaanada, fadlan la xiriir maamulka waabarashada

Related links: