Sida loogu noolyahay Swiiska: Wararka iyo talooyinka loogu tebinayo e-mailka  

Waxbarashada joogtada ah

Si aad u joogteyso heerka aqoontaada oo la xiriirta xirfaddaada iyo shaqadada, waxa haboon in aad waxabarashada joogteyso oo aad kororsatid aqoon dhumuc leh si aad markasta u baratid xirfad ama farsamo dheeraad ah, si aad u kasbatid dalacaad iyo derejo sare.

Qorshe u yeel xirfadaada

Xafiisyada ama heyadaha dadka kala taliya ama u jiheya xirfadaha uu qofku doonayo, waxa laga helaa matxafyadooda macluumaad badan oo ku saabsan waxabarashada joogtada ah ee lagu barto Swiiska.

  • Kasbashada shahaadada CFC waxa loo maraa dowyo kale
  • Waxbarashada heerka jaamacadeed marka aad dhameysato ka dib, waxa la         galaa waxbarasho joogto ah oo taxan
  • Waxa jira xirfado iyo farsamado u baahan in waxbarashadooda la joogteyo.

Fiiro gaar ah
Waxa haboon in qof kasta oo aqoon leh ama xirfad sare lehi uu joogteyo wabarashada, waayo xuduud ma laha. Aqoonyahanada wadankan ku nooli mar kasta waxay ku jiraan aqoon kororsi. Takhaatiirta, garyaqaanada, badankooda iyo injeyeerada iyo kuwa la mid ahi usbuuci maalin ayey galaan aqoon kororsi.  


U tartan hanashada shahaadada CFC aadoo u maraya dow kale – Waa tilaabo aad muhim ugu ah jaaliyadaha ajnebiga ah.

Dadka waayeelka ah ee muddo dheer soo shaqeynayay, waayo aragnimo dheeraad ah na leh, waxay geli karaan imtixaanka ugu dambeya ee lagu qaadanayo shahaadada Federaalka ee farsamada, CFC (Certificat Fédéral de Capacité), haddii ay la yimaadaan shuruudo lagu xirayo.
Xafiisyada u qaabilsan kantoonada ayaa lagu hagaajinayaa arjiga lagu dalbayo ka qaybgalka imtixaanka ugu dambeya. Xafiisyadaasi waxay ku siinayaan talooyin iyo macluumaadka aad u baahantahay, aygaa na leh go’aanka in aad gashid imtiaanka iyo in kale.

Related links: