Sida loogu noolyahay Swiiska: Wararka iyo talooyinka loogu tebinayo e-mailka  

Lacagaha adag

Swiiska ma ka jiro xeer ama nidaam khaas ah oo u degsa sida lacagaha adag lagu so geliyo wadanka. Si loola dagaalamao burcadda iyo denbiyada waaweyn caalimiga ah ee ay galaan xagjiradu ama lacagaha wasakhda ah oo ay leeyihiin kuwa ka ganacsada mukhaadaraadka, waxa dhicikara in lagu baaro marka aad wadanka soo geleysid. Waxa lagugu waaninayaa in aad qaadatid lacag aan badneyn marka aad wadanka ka baxeysid ama soo geleysid.


Ururka Yurub (EU) wuxu farayaa in la baaro lacagaha ama koontooyinka ay wataan dadka soo gelaya ama ka baxaya wadaada Ururka Yurub oo wata wax ka badan 10000 euro.
Waxa haboon in qofka ganacsadaha ah ama wadamada isaga goosha in uu furto koonto bangi caalami ah oo uu meelkasta lacag kala bixikaro inta uuyan soo gelin wadan kale sida Swiiska. Waxad si toos ah ugu soo shubi kartaa lacag inta aad doonto koonto aad ku leedahay bangiyada Swiiska.