Sida loogu noolyahay Swiiska: Wararka iyo talooyinka loogu tebinayo e-mailka  

Xaraashka  alaabta

Shirkada lacagta ka amaahinayso 20 cisho ayay haystaan intaanay daynka gu galin.

Marka ay kuu soo dhaado warqada balanka ee sherkadu kuu soo dirtay waa (office des poursuites) aad bay muhiim u tahay in aad timaado xafiiska lagaga yeeray waqtiga laguu qabtay ama aad teleefonnka balan kale ku qaadato.
 
Waa in aad soo qaadataa warqadaha muhiimka ah ee lagaga baahanyahay oodhan.
  • Waa in aad keento warqadaha mushaarkaaga sadexda bilood ee udanbeeyey.
  • Warqada cadaynaysa lacagta nolosha reerka.
  • Warqada cadaynaysa hadii reerkiinu ku caawiyo oo ay tahay mid lagu khasbay reerkaaga ama caruurtaada.
  • Waqada cadaynaysa dawooynka hadii uusan kaa bixinayn ashiroska caafimaadka.
  • Warqada cadaynaysa daawaynta ilkaha 

Ka qaadashada mushaarka qofka daynka qaba

Cidkasta ama reerkasta oo ay ku dhacdo xaraashka mushaarka. Waa in ay haystaan lacag yar oo ku filan iyaga.
Sanadka dhamaadkiisa bisha 13 lacagta u soo dhacada ayaa laga qaadanayaa markasta.
  

Waxaan laga qaadan karin, waxaa ka mida

Lacagta cayrta.
Lacagta qofka aan shaqo waligi qabankarin.
Lacagta AVS ashuroska qofnool ee gaboobey
Wixii dheeraad ah ee ay ku siiyaan AI iyo AVS.
Lacagta caruurta lagu caawiyo.
 

Xaraashaka alaabta guriga kuu taala

SaWaa in aad si cad sid cad usheegataa alaabta guriga kutaal in aad adigu leedahay iyo in dadkale leeyahay.hadii dadkale leeyahay waa in aad keentaa warqada cadaynaysa.

In this section: themen/geld/schulden/konkurs, Xaraashka alaabta, themen/geld/schulden/schuldensanierung, themen/geld/schulden/betreibung